Madaxtooyadda Somaliland oo ka hadashay muranka ka taagan dhul dawladdu la wareegtay
Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) - Ciidanka amaanka
Somaliland ayaa goob laga dhisayo madaxtooyada cusub ka raray qoys deganaa,
kuwaas oo sheegay in xoog looga saaray guryahoodii.
Qoyskan laga burburiyey hantidii ay ku lahaayeen
goobta madaxtooyada cusub laga dhisayo ayaa xukuumadda iyo madaxweynahaba ku
eedeeyey inuu dhulkoodii ka qaadayo.
Qoyskan dhulka laga raray ayaa sheegay in saaka
salaadii subax ciidanku xoog kaga soo saareen qoyskan oo sheegay in dhulkan
qasab looga qaadayo.
Hasse ahaatee, agaasimaha madaxtooyada Somaliland
Maxamed Cali Bile ayaa sheegay in qoysas badan oo deganaa si fiican uga
guureen, haseyeeshee hal qoys oo kaliya ku hadheen, waxaanu ku dooday in dhulka
qaranku marka loo baahdo cid walba laga qaadi karo.
“Way jiraan dad faro badan oo laga raray oo
dadkii caadiga ahaa mar horey ka guureen, 99.9% way ka guureen, waxa ku hadhay
uun qoys kaliya, dhulkana waxa iska leh qaranka maaha hanti uu qof
yeelanayo”ayuu yidhi agaasime Bille.
Dhulkan madaxtooyad cusub laga dhisayo ayaa ku
yaalla duleedka koonfur galbeed ee magaaladda Hargeysa, halkaasi oo ah meel
banaan, haseyeeshee waxa ku doodaya inay leeyihiin qoys magaaladda caan ka ah.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.