Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) –
Iyadoo saacadihii ugu danbeeyay siweyn loo hadal hayay dibadbaxyo kacdoon
Shacab ah oo la filayay in ay maanta ka dhacaan magaalada ayaa waxaa arintaa ka
hadlay taliska Booliiska dowladda Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir
Cabdi Maxamed ayaa sheegay in banaanbax in la qabtaa aysan wax weyn aheyn,
hasse ahaatee loo baahan yahay in la cadeeyo u jeedkiisa,isla markaana
ogolaansho laga heysto laamaha Amniga Soomaaliya.
‘’Marka ay dibadbaxyadu dhacayaan waxaa ku soo
dhax dhuunta dad burcad ahkuwaasoo dhac u geysanaya hantida dadweynaha, hadda
waxaan heynaa dacwado uga yimid dad hantidooda la boobay, ayuu yiri taliyaha Booliiska Soomaaliya.
Baraha bulshada ayaa shalay ilaa xalay waxaa siweyn uga faafay baraha baraha
bulshada fariimo leysku weydaarsanayo dadkana loogu baaqayo in ay ka soo
qeybgalaan dibadbax weyn oo la qabanayo 18ka bisha April oo ku beegan maanta.
Laakiin xaalada magaalada Muqdisho ayaa hadda u
muuqata mid degan oo waxaa caadi u soconaya isku socodka dadka iyo gaadiidka
dadweynaha ma na jiro dhaqdhaqaaq muujinaya dibadbaxyo la filayo.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]