Axad, April, 14, 2019 (HOL) – Guddi
hoosaadka arrimaha bulshada ee golaha Guurtidda ayaa ka dayriyey xaaladda guud
ee uu ku sugan yahay cisbitaalka guud ee dawladdu maamusho,isla markaana
sheegay in loo baahan yahay in degdeg wax looga qabto.
Gudoomiyaha gudidan arrimaha bulshada ee golaha
Guurtidda Axmed Daahir Jirde ayaa sheegay in waaxda dhimirka ee cisbitaalka
guud ee magaalada Hargeysi ay u xaqiijiyeen in ay ku jiraan hooyooyin uur-leh
iyo kuwa ubad dhalay intaba, kuwaasa oo la kala ilaaliyo hooyadaasi iyo
ilmaheeda maadaama oo xanuun xaga dhimirka ahi uu hayo, taas oo waxyeeli karta
ilmaheedda.
"Waxaa cisbitaalka dhimirka ee magaalada
Hargeysa ku jira 45 rag ah, iyo 25 dumara, qaybta dumarku aad iyo aad ayay u
liidata oo ay u dayacan tahay, dumar uur-leh iyo kuwa dhalay sida ay
dhakhaatiirtu noo sheegeen waxaa ay yidhaaheen 'waxaa ay dhibaato naga heysata
ilmihii ay dhaleen ayaanu ka ilaalinaa maadaama qof xuskiisu joogo aanu aheyn,
hadii aanu gudida nahayna waxaanu soo jeedineynaa in meel gooniya loo dhiso oo
cisbitaalka guud laga dhex saaro"ayuu yidhi xildhibaan jirde oo ka
warbixinayey xaalada cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Sidoo kale, guddidu waxay sheegtay in wax laga
qabto wadooyinka qofka buga la mariyo intooda badan burbursan tahay, sidoo
kale, waxay sheegeen in cisbitaalka qaybta gargaarka degdeg ah ay dumayso hadii
aan wax laga qaban.
Xildhibaan Jirde oo golaha warbixintan ka hor
akhriyey waxa uu sheegay inay cisbitaalka ka shaqeeyaan 870 qof oo saddex boqol
iyo sideetaan qof mushahar ka qaataan, kuwaas oo u baahan in xirfadooda la
tayeeyo.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in agaasimaha cusub
ee cisbitaalka lagu wareejiyey deyn dhan boqol iyo shan iyo sodon kun oo doolar
oo laydh lagu leeyahay ah iyo laba boqol iyo sideed iyo sideetaan kun oo
doolar oo dawooyin lagu leeyahay ah, taas oo isku noqonaysa afar boqol iyo
sadex iyo labaatan kun oo doolar ($423,000 dollar) lagu leeyahay.
Cisbitaalka guud ayaa dhamaan adeegyada uu bixiya
lacag tahay,isla markaana dawladdu siisa miisaaniyad uu ku hawlgalo,
haseyeeshee illaa hadda xaalidda daryeel la’aan ee ka jirta cisbitaalka waa
laga dayrinayaa.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.