Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisay Abaal-marin heer caalami ah oo la guddoonsiiyey Xawaaladda Taaj
Sabti, September,07, 2019 (HOL)-Munaasabad lagu soo bandhigay Abaal-Marinta Xawaaladda ugu fiican ku shaqeynta shuruucda Caalamiga ah ee maaliyadda sanadka 2019, oo la guddoonsiiyey Xawaaladda Taaj ayaa maanta lagu qabtay Hotel-ka Jazeera ee Magaalada Muqdisho,
Munaasabada waxaa ka qeybgalay oo joogay Gudddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Warfaafinta, Wsiirka Boosatada, Isgaarsiinta & Technology-yada Soomaaliya, Maamulka Sare ee Shirkadda Hormuud iyo masuuliyiin kale ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Abaal marinta waxaa Xawaaladda
Taaj guddoonsiiyey hey’adda ACCPA oo ah mid ka mid ah sadexda hey’adood
ee ugu weyn dunida ee ka shaqeeya hubinta hufnaanta Maaliyadda.
Maamulaha Xawaalada Taaj Cali Maxamuud Guuleed ayaa sharraxay sida
abaalmarintaan ay ku heleen “Waxaan abaalmarintaan uga guuleysanay
waddamo naga hormarsan, waxaana ku gaarnay dadaallada & garab istaagga
Bangiga dhexe ee habka xawaaladuhu u shaqeeyaan” ayuu yiri Cali Maxamuud Guuleed
(Cali Mahad).
Guddoomiyaha Shirkadda
isgaarsiinta ee hormuud Axmed Maxamuud yuusuf oo isna ka hadlay
munaasabada ayaa sheegay in abaalmarintan ay usoo galeen dadaal wayn sidii ay u
noqon lahaayeen xawaalada ugu fiican qaarada Afrika ayaa yiri “Meel hoose ayay
ka soo bilaabeen waxayna marayaan heer ay ku guuleysteen xawaaladda ugu fiican
qaaradda Afrika, Taaj hadii ay fiican tahay waxaa weeye Hormuud baa fiican waa
hooyada Taaj iyo shirkaddo kale” ayuu yiri Axmed Maxamuud Yuusuf
Wasiirka Maaliyadda
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hambalyo
iyo bogaadin uu ujeediyey Maamulka xawaalada Taaj kadib waxa uu tilmaamay in guusha
ay gaareen ay astaan u tahay halka ay Soomaaliya ka taagan tahay Hufnaanta
Maaliyadda Dalka ”In nala aaminay waxaa astaan u ah guusha maanta ay gaartay
xawaaladda Taaj, Xawaalada iyo bangigaba lama ilaawi karo waxaana ka
shaqaynaynaa inaan u fududeyno wax walba oo ay u baahan yihiin” Ayuu yiri
wasiir beyle.
Wasiirka Warfaafinta
Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna
yiri “Hambalyo ayaan leenahay shirkadda Taaj guusheeda waxaa sabab u ah
maamulkeeda waana ku amaanayaa”
Wasiirka Boosatada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Soomaaliya
Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa waxa uu sheegay in Abaalmarintaan ay
tahay guul wayn oo ay u soo hoyeen dhammaan shirkadaha Soomaaliyeed,
Taasina ay dhiira galin u noqonayso shirkadaha kale ee dalka.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim
Muudeey oo Taaj ku dhiirrigeliyay guusha ay gaartay ayaa ku baaqay in wax laga
qabto dhibaatooyinka haysta shirkadaha isgaariisiinta iyo xawilaadaha, wuxuuna Madaxda
Dowladda Somalia ugu baaqay in ay xil iska saaraan Difaaca hantida Shacabka
Soomaaliyeed.
“Xawaaladaha Soomaaliyeed
(Taaj) maanta waxay keeneen abaalmarintaan oo marqaati ka ah inay si
sharci ah u shaqeeyaan, dowladda waxaan leenahay masuuliyad iska saara ka
jawaabidda dhibaatada ay ka cabanayaan shirkadaha maadaama ay tahay dhibaato u
baahan in xil la iska saaro” ayuu yiri Gudoomiye Cabdiwali ibraahim muudeey.
Sidoo kale masuuliyiin
ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo goobjoog ka ahaa munaasabada
ayaa iyana bogaadiyey guusha ay gaareen shirkada xawaalada ee Taaj.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]