Ururka Al-shabaab oo sheegtay in uu isku soo dhiibay Agaasimhii hore ee madaxtooyada Hirshabeelle
Talaado, September, 03, 2019 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa warbaahinta u soo bandhigay sawirka iyo cod sida la sheegay ay ka duubeen Agaasimihii hore ee madaxtooyada Hirshabeelle Xassan Cumar Axmed [Xassan Mahdi] oo isku dhiibay
Xassan Mahdi ayaa marka laga soo tago in uu soo noqday Agaasimaha madaxtooyada Hirshabeelle, sidoo kale waxaa uu la soo shaqeeyay hay'addo dhowr ah oo kuwo samafalka ah,
Al-shabaab ayaa Baraha Internetka ku sheegay in Xassan Mahdi u sheegay in uu isaga baxay siyaasadda isaga oo hadda ku sugan deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan oo saldhig weyn u ah Ururka Al-shabaab.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabelle oo ku saabsan Agaasimahii hore ee Hirshabelle Xasan Mahdi oo isu dhiibay
Al-Shabaab.
Dhawaan Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka maamulaan Soomaaliya isugu yeeray dhamaan ergooyinkii soo doortay xildhibaannada Baarlamaanka hadda jira kuwaa oo qaarkood la xir xiray markii ay dib ugu laabteen deegaannada ay dowladda ka arimiso.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]