Xisbiga WADDANI oo shirweynihii labaad ku qabsaday magaaladda Burco
Sabti, September, 28, 2019 (HOL )– Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maanta shirkii weynihii labaad ee xisbigiisa ku qabsaday magaalada Burco, waxaana ka soo qaybgallay xubnaha golaha dhexe iyo masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga.
Shirweynahan labaad xisbiga
WADDANI waxa ka soo qaybgallay gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye Axmed
Cabdi Dheere, xoghayaha Arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Ramaax, hogaamiyaha khaatumo Cali Khaliif
Galaydh iyo siyaasiyiin kale, kuwaas oo dhamaantooda u hambalyeeyey shirweynaha
xisbiga.
Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi
Cali Xaaji Xasan oo isna madasha ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Reer
WADDANI waxaan ugu baaqaya midnimo iyo wada jirka Somaliland maaddaama aynu hal
ku dhiggeena ka dhiganay isku haynta dalka iyo dadka, Horumar waxa lagu gaadha
nabad, degaansho siyaasadeed iyo hoggaamiye aragti dheer leh….”.
Waxaanu intaas ku daray “Maanta
haddii la arkay hoggaankii kulmiye in ay ka dhalatay Xukumad liidata, haddii
madaxweynuhu ururin waayay dadweynaha oo uu noqday firdhiye, haddii intii
Kulmiye ee dooratay fartooda eedeen, intii aan doorana ay cadow u arkeen waxaan
leeyahay mucaaradka yaynaan noqon kuwo ku kaalmeeya in dalku dumo, waxa la
inooga baahan yahay siyaasad luxdan oo hiigsi leh, waxa laga yaaba in dadka
qaar ay cadho ka keento oo yidhaahdan wixii “ Kulmiye Samayn jiray aan samayno,
waar anaga shalay Kulmiye ahayn oo wax walba oo kulmiye sameeyay muu saxsanayn,
waxa la inooga baahan yahay aragti qiimo leh, aragti isbedel,”
Gudoomiyaha xisbiga WADDANI
C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa dhaliillay xukuumadda iyo madaxweyne
Biixi, waxaanu sheegay inay ku fashilmeen arrimihii loo igmaday.
“Mudadii ay xukuumadani jirtay
hoos baynu u soconaa ee kor uma soconno, shacabku rajo kama qabaan in
mushkiladaha waaweyn ee ina hor yaalla inuu madaxweyne Muuse wax ka qabto, taas
bedelkeeda waxay ka warwarsan yihiin badbaadada Somaliland iyo waxa ka dhalan
kara hogaaminta madaxweyne Muuse.”ayuu yidhi CIrro.
“waxyaabaha inagu cusub ee madaxweyneyaashii hore ee Somaliland samayn jirin ee
madaxweynaha hadda samaynayaa waxa ka mid ah wadatashi la’aan iyo kalitalsnimo,
tanaasul la’aan iyo dulqad la;aan oo isagu dulqaadka waxa uu u yaqaana
doqonimo, iyo fulin la’aanta heshiishkii khaatumo lala gallay”ayuu raaciyey
hadalkiisa.
Shirweynaha xisbiga WADDANI ayaa
la filayaa in maalinta Barri la soo gabogabeeyo,isla markaana dib la iskugu
qiimeeyo xisbigu sidii uu hadafkiisa u gaadhi lahaa.
Sidoo kale, waxa maanta ku biirey
siyaasi Cabdilaahi Geel jiro oo muddo dheer ahaa xisbiga KULMIYE, xilal kala
duwanna ka soo qabtay xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, waxaanu maanta sheegay
inuu si rasmiya ugu biirey xisbiga WADDANI.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland.