Warar dheeraad ah oo ku saabsan Qarax lagu weeraray gaadiid uu la socday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada
Arbaco, September, 25, 2019 (HOL)- Warar dheeraad
ah iyo faah faaahinno ayaa ka soo baxaya qarax lagu bartilmaameedsay gaadiid uu
la socday guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee
Soomaaliya Col Xasan Cali Nuur Shuute oo ka dhacay dulleedka magaalada
Muqdisho.
Wararku waxaa ay sheegayaan in guddoomiyaha iyo
saraakiisha la socotay oo ku soo jeedeen magaalada Muqdisho iyaga oo ka soo
laabtay booqasho ay ku tageen saldhigga Milatariga ee ay ciidamada dowlada ku
lahaayeen Ceel Saliini.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu badqabo, balse
uu burburay mid ka mid ah gaadiidkii la
socday,kaas oo la sheegay in uu lahaa xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada.
Wararku waxaa ay intaa ku daraya in qaraxaasi ay
ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid ahaa Ciidamada wafdiga la socday iyo qof
Shacab ahaa oo ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Maxkamada Ciidamada oo ka hadlaya qaraxa lala eegtay.
Qaraxa ayaa imanaya xili subaxnimadii hore ee saakay magaalada Muqdisho qarax miino lagu dilay saraakiil iyo Askar ka tirsanaa militariga Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]