12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2019
Shariif Sheekh Axmed ''Dowladnimada waqti ayaa naga galay ma aqbaleyno wadada ay hadda ku socto

 

Isniin, September, 23, 2019 (HOL)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta maanta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa siweyn u weeraray madaxda ugu sareysa dalka oo sida uu hadalka u dhiggay isku arka kuwo sharciga ka sarreeya.

Shirka jaraa'id ee Shariif Sheekh Axmed oo isha loogu wada hayay ayuu ku soo hadal qaaday ishortaagii maalintii shalay lagu sameeyay xili uu qorshihiisu ahaa in uu u dhoofo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u maamulka Jubbaland isaga oo tallaabadaa ku tilmaamay mid sharciga baalmaran.

''Haddii uu Farmaajo sharciga u ogolaanayo in uu Garoonka ka dhoofo, Annigana sharciga ayaa ii ogolaanaya, Kismaayo sabab kasta ayaa u tagi karaan, laakiin waxa Anniga igu dhacay waa wax fudud oo aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan,waxaan arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo  dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax  galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa”

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh isaga oo heysata awooddii dowladnimada aqbalay in doorashada looga guuleystay kuna wareejiyay xilka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sababta uu sidaa u sameyayna tahay in uu waqtigaa ilaalinayay sharciga Dastuurka dalka oo madaxweyne kasta u ogolaanaya in uu xukunka hayo muddo 4 Sano ah.

Wuxuu sheegay in dowladdo rabto oo kaliya in ay maquuniso dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan, isaga tusaale u soo qaatay in uusan jirin maamul gobollleed u madax-bannaan doorashooyinkiisa iyo Is-maamulkiisa hoose oo ay dowladdu xiriir la leedahay.

''Waad ogtihiin, maanta kama jiro dalka maamul gobolleed u madax-bannaan doorashooyinkiisa iyo maamulkiisa hoose oo ay dowladdu xiriir la leedahay, waxaa tusaale idinku filan Puntland iyo Jubbaland, Galmudug waxa hadda ka socdana waan ognahay, Hirshabeelle waan ognahay Koonfur Galbeed sidoo kale'' ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu sheegay in madaxda ugu sareysa dalka haddii ay baalmaraan sharciga iyo dastuurka dalka u yaala meesha ka bixi doonto dowladnimada aynu maanta heyso. 

''Haddii lagu dhaqmi waayo sharciga iyo Dastuurka dalka, micnaheedu wuxuu noqonayaa dalka dowlad kama jirto, Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Boorsadiisa iyo  Suudkiisa wato Anniga magacaabay, dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma  jiro, asaa ka faa’deystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, anaga dalka  waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa dowladda ku socoto  waa qaldan tahay, waxaa leeyahay joogsada meesha aad joogtiin ma dhaafi  kartid Soomaali ha isu timaado”

Shirka jaraa'id ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa imanaya xili ay taagan tahay wali xiisadii siyaasadeed ee ka dhalatay tallaabadii shalay ay Shariifka uu diiday in uu u duulo magaalada Kismaayo, walina dowladdu kama aysan hadal arintan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]