10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2019
Dowladda Federaalka oo u fasaxday dowlad gobolleedyada lacagihii Deeqaha Caalamka

 

Axad, September, 22, 2019 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamul Goboleedyada  dalka iyo Gobolkan Banaadir  u fasaxday lacag ka mid ah deeqaha Caalamka ugu deeqo Soomaaliya gaar ahaan Midowga Yurub taas oo gaareysa Lix Milyan oo Dollar.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in lacagtan  tahay deeqaha Caalamka ugu talo galay Soomaaliya, islamarkaana maamul walba loo dirayo min Hal Milyan oo  dollar.

Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loo qoondeeyay 40%  deeqda miisaaniyad kabida ee laga helay Midowga Yurub oo ah lacag gaareysa 15 milyan oo dollar taasoo guud ahaan noqoneysa lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo la siinayo min hal milyan dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda :-

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]