Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la kulmay xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya
Isniin, September, 16, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa
Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa xalay kulan casho sharaf
ah u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka
Federaalka.
Kulankan ayaa ahaa mid is barasho iyo kala war-qaadasho, waxaana la isku
dhaafsaday tallooyin guud oo ahaa mid amni iyo aayaha magaalada Muqdisho sidii
horumarkeeda loogu wada shaqeyn lahaa.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha u soo jeediyay tallooyin
dhinaca amniga ah, sida in la furo jidadka xiran ee magaalada, isla markaana
shacabka Muqdisho laga qaado culeysyada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka mahadceliyay tallooyinka ay u soo
jeediyeen Xildhibaanada, isagoo ka dalbaday inay la shaqeeyaan, loona istaago
horumarka caasimadda, waxaana uu caddeeyay inay ka go’an tahay wax ka qabashada
amniga caasimadda iyo in la furo jidadka xiran ee magaalada.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa tan iyo markii uu xafiiska la
wareegay waday kulamo iyo wadatashi la xiriira Amniga Muqdisho iyo sidii
leysugu furi lahaa jidadka xiran.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]