Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-shabaab
Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Kulan loogaga hadlayay sidii la isugu furi lahaa wadada laamiga ah ee u dhexeysa magaalooyinkq Jowhar iyo Beledweyne ayaa maanta lagu qabtay xarunta ciidamada AMISOM ee magaalada Beledweyne.
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed
Cabdi Waare ayaa saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya, qaar kamid ah
xildhibaanada iyo golaha wasiirada Hirshabelle iyo mas’uuliyiin ka
tirsan maamulka gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo
munaasabadda ka hadlay ayaa hadlay muhiimada ay u leedahay Hirshabelle
in la isku furo wadooyinka kala xiran ee go’doonka ugu jira Al
Shabaab.
“Soomaaliya oo hagaagta waa iyadoo guud ahaan ammaanka
geeska afrika oo hagaaga.”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed
Cabdi Waare.
Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa uga
mahadceliyay wadamada qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ee naftooda noo
huray in Amni aan ku naaloono, si gaar ah ciidamada ka howlgala
Hirshabelle, isagoo ku ammaanay doorkooda lama ilaabaanka ah, waxaana
Madaxweynuhu carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u
bilaabayaan Holwgalo la isugu furo wadooyinka kala xiran ee go’doonka ku
jira.
Ugu dambeynta Madaxweynaha ayaa Shahaado Sharaf ay
Saraakiisha ciidamada Itoobiya ay ugu talo galeen guddoonsiiyay xubnaha
Maamulka shahaado sharaf ay ku muujinayaan Wadashaqeynta maamulka iyo
AMISOM.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com