4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2019
Madaxweyne Biixi oo xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

 

Arbaco, October,09, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulankana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub sidii loo dardar-gelin lahaa. Sidoo kale, waxa lagu lafo-guray mashaariicda horumarineed ee midawga yurub iyo Somaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo safiirku sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Ugu danbayntiina madaxweynaha Somaliland oo uu kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safiirka iyo midawga yurub ku bogaadiyey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Dhinaca kale, safiirku waxa uu booqasho ku tagay magaaladda Berbera, kaasi oo kulmay maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin, waxaanay hore u sheegeen in midowga Yurub ugu deeqay horumarinta magaladda Berbera lacag dhan todoba milyan oo dollar Maraykanka.

Inkastoo hore xukuumada Somaliland u diiday mashruuca Yariisoow ee midowga Yurub ugu deeqay magaaladda Muqdisho iyo Berbera, haseyeeshee illaa hada xukuumadda kam hadal in mashruucaasi ka hirgalayo Berbera iyo in kale iyo inuu kulankani daarnaa mashruuca Berbera laga hirgalinayey.

Waxa xusid mudan in safiirka Midowga Yurub markii uu ka soo laabtay Berbera uu dooxa weyn ee Dacar budhuq xanibay, taas oo saacado badan ku adkaatay inuu ka soo gudbo, waxaana iska caado noqotay in xiliyada roobka uu dooxyada Berbera iyo Hargeysa u dhexeeya kala xidho isku socodka gaadiidka, qaarkoodna uu dooxu qaato, hlka qaar badana uu naftooda halis galiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.