4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2019
Madaxweyne Farmaajo '' Federaalku madax-bannaani u gaar ah ma siinayo dowlad gobolleedyada

 

Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay maanta furitaanka Kalfadhigga Lixaad ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday Arrimaha Federaalka, isaga oo sheegay in Federaalku madax-bannaani gaar ah siineynin Dowlad gobolleedyada.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa sheegay in haddii ay jiraan kuwo raba inay dalka ku hoggaamiyaan si qasab ah, uu dalka ka soo gudbay xilligii jahwareerka ah. 

Madaxweynaha ayaa yiri“Haddii ay jiraan kuwa raba inay dalka ku hoggaamiyaan si qasab ah,  dalkeenu waa ka soo gudbay xilligii jahwareerka iyo in dadka lagu  owrkacsado, marnaba ma ogolaan doono in dalka dib u noqdo, wax  Qaranimada ka yar ma aqbaleyno”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri in nidaamka Federaalka ay dowladdu ku dhisan tahay wax ka badalkiisana ay ku xiran tahay afti dadweyne, inta ka horeysanaya aysan jirin cid wax ka badali karta.

“Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay waa hab maamulka dowladeena, umadda soomaaliyeed illaa iyada ka go’aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar wax ka bedeli karta aysan jirin, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa ilaalinta Qaranimada Madax banaanidiisa ay saaran tahay dowladda Federaalka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada dalka, sida Puntland iyo Jubbaland, waxaa sidoo kale jira culeys dowaldda Somaaliya ka soo food saaraya Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo maalmihii ugu danbeeyay eedeymo is daba joog ah u jeedinayay Dowladda Federaalka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]