3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2019
Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay guddiga ay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa taageeray islamarkaana soo dhaweeyay guddiga farsamo ee maamul u sameynta Galmudug oo ay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta ee magacawday dowlada federaalka, waxa uuna cadeeyay in raali ka yahay guddigan.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xaaf in dhismaha guddigan kala qeyb qaateen Wasaarada Arimaha gudaha iyo federaalka, waxaa uuna balan qaaday in guddigan kala shaqeyn doonaan dhameystirka dhismaha Galmudug.

Guddigan ayaa lagu wadaa in ay gudaha gallaan farsamadii dhismaha Galmudug cusub loo dhan yahay, inkastoo wali ay jiraan caqabado ka taaggan dhismaha maamulkan oo ay beelaha qaar ka biyo diidan yihiin hab ay dowladdu ku maamuleyso qorshaha dhismaha maamulka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
10/9/2019 3:10 PM EST
Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay waxa ka soo baxay wadahadal magaalada Boosaaso ay kula yeesheen isaga iyo wafdi heer Wasiirro ahaa oo ka socday Dowladda Federaalka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

10/9/2019 12:25 PM EST
Arbaco, October,09, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo.

10/9/2019 12:21 PM EST
Arbaco, October, 09, 2019 (HOL) – Dufcadii 11aad oo ka kooban 606 Arday ayaa maanta ka qalinjabiyey Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad balaadhan oo loogu fooladeeyey loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

10/9/2019 10:38 AM EST
Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay maanta furitaanka Kalfadhigga Lixaad ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday Arrimaha Federaalka, isaga oo sheegay in Federaalku madax-bannaani gaar ah siineynin Dowlad gobolleedyada.

10/9/2019 9:19 AM EST
Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)-Dhabhaha ay diyaaraduhu ka duullaan ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa si KMG loo xiray sida ay Hiiraan Online u sheegeen qaar ka mid ah shaqaalaha Garoonka

10/9/2019 6:27 AM EST
Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)-Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warbixin sanadeedka ee baarista Hey’adaha maaliyadda dowladda, waxaa warbixinta ku xusan malaayiin dollar oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn sida loo isticmaalay.

10/9/2019 5:01 AM EST
Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)-Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan waxaa ka soconaya kulamo xal loogu raadinayo iska horimaad dhawaan degmada ku dhaxmaray ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM iyo ciidanka Booliiska Hirshabeelle.

10/9/2019 2:28 AM EST
Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo xalay lala eegtay ciidamada sida gaar ah u tababaran ee Booliiska Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo [Harimacad] kuwaa oo ku safrayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

10/9/2019 2:04 AM EST
Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta XF Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga Farsamada maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas oo maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey in la magacaabayo.

10/9/2019 1:57 AM EST
Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu daah furo Kalfdhiga 6-aad ee Baarlamaanka Labada Aqal ee Soomaaliya.