4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2019
Guddiga farsamada maamul u sameynta Galmudug oo lagu dhawaaqay

 

Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta XF Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga Farsamada maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas oo maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey in la magacaabayo.

Guddigaan oo ay magacaawday Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda  Soomaaliya oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxaa ay dhexdooda iska dooran  doonaan guddoon Cusub, iyaga oo guda geli doona dhismaha Galmudug loo  dhan yahay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Isaaq Maxamed Maxamuud oo Warbaahinta uu Akhriyey wareegtada guddigaas lagu Magacaabey ayaa sheegay in guddigaan la Magacaabey, iyada oo laga duulayo Go’aanadii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Galmudug.

Magacyada Guddiga :-

 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

.