4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2019
Ergeyga Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo booqday xarunta gobolka Banaadir

 

Talaado, October, 08, 2019 (HOL)-Egeyga gaar ah ee Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa booqday xarunta maamulka gobolka Banaadir halkaa oo uu kulan kula qaatay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish.

Duqa Muqdisho ayaa kala hadlay Mr Swan arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta amniga Caasimadda iyo taageerada Qaramada midoobay ee Xaqiijinta nabadgalyada.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha horumarinta sida Dhismaha Wadooyknka, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha Barakacayasha Caasimadda.

Mr Swan waxa uu dhankiisa balanqaaday in ay xoojinayaan wadashaqaynta tooska ah ee ay la Leeyihiin Maamulka Gobolka Banaadir Waxa uuna balan qaaday taageerada iyo garab istaagga Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa Gudoomiyaha ku wehliyey xog-hayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan Gobolka.

Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan 24-kii July booqday xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyadoo daqiiqado kaddib markii uu ka tagay xarunta uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo uu ku dhintay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]