3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2019
New York Times oo Wariye Bariga Africa uga soo warrama u qaadatay Abdi Daahir oo ah Wariye Soomaali-yeed

 

Talaado, October, 08, 2019 (HOL)-Cabdi Ladif Dahir oo ah Joornaliste Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wariyaha Wakaalada New York Times uga soo waramaya Bariga Africa, isaga oo fadhiggiisu noqonayo magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sida laga soo xigtay New York Time Cabdi Daahir ayaa ka soo wareegaya Quartz International oo uu u  shaqeenayay muddo ku dhan saddex sano ,isaga oo hadda toos uga mid noqonaya The New York Times, waxaana uu uga soo warrami doonaa Bariga Africa.

‘’Waxaan ku faraxsannahay Wariyaheena cusub ee The Times waxaa uu ka soo wareegayaa Quartz International, waxaa sidaa lagu sheegay shaacin ka soo baxday The Times.

Wariyahan cusub ayeey ku tilmaamtay The Times in uu yahay nin dhalinyaro ah oo akhristayaasha u keenay sheekooyin xiiso leh oo wax ku ool, isaga oo gaar ahaa diirada saaray arrimaha ku saabsan isdhax-galka ganacsi ee Africa iyo Chine, kala guurka siyaasaddeed ee Itoobiya iyo Sudan, iyo arrimo la xiriira shirkaddaha iyo hal abuurnimada Qaarrada, beeraha ilaa laga gaaro farshaxanka oo uu wax ka qoray.

Abdi Ladif Dahir ayaa ku dhashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, hasse ahaatee nolashiisa qeyb ahaa waxaa uu ku koray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   

 
 













Click here
10/8/2019 2:18 PM EST
Talaado, October, 08, 2019 (HOL)- Dowlada Jarmalka ayaa ugu deeqday dowlada federaalka Soomaaliya 73-Milyan oo Dollar, lacagtan ayaana lagu taageeri doonaa ama qeyb ka noqoneysa gargaarka calaamiga ah ee Banni’daanimo iyo guud ahaan mashaariicda hormarineed ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

10/8/2019 2:03 PM EST
Talaado, October, 08, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yareey] oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inta in muddo dheer kaddib ay ku adkaatay in guddigu sii dhax shaqeeyo xafiisyada ku dhax-yaala madaxtooyada Soomaaliya.

10/8/2019 11:05 AM EST
Talaado, October, 08, 2019 (HOL)-Egeyga gaar ah ee Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa booqday xarunta maamulka gobolka Banaadir halkaa oo uu kulan kula qaatay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish

10/8/2019 8:16 AM EST
Talaado, October, 08, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa uga tacsiyeeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle oo ahaa madaxwyenaha walaalkii

10/8/2019 5:09 AM EST
Talaado, October, 08, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,halkaas oo laba maalin ka hor uu ka dhacay dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

10/8/2019 3:03 AM EST
Talaado, October, 08, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka HIiraan ayaa sheegaya in saakay halkaa ay ka jirto xiisad ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii iyo Duqii degmada Buula-burte.

10/8/2019 2:51 AM EST
Talaado, October, 08, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in kacdoon shacab uu ka dhalan karo sida uu hadalka u dhigay cadaadiska Dowladda Federaalka ay ku heyso Jubbaland.

10/8/2019 2:22 AM EST
Talaado, October, 08, 2019 (HOL)- Ilhan Omar oo ah Gabar Asalkeedu Somalia yahay oo ka tirsan Aqalka Looga arrimiyo dalka Mareykanka ee[ Congress-ka] ayaa dacwad furiin oo ka dhan ah Seygeeda Axmed Xirsi u gudbisay Maxkamad ku taala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

10/8/2019 1:31 AM EST
Talaado, October, 08, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Alberta ee dalka Canada Jason Kenney oo booqasho ku jooga gobolka Ontario ayaa kulan uu ku taageerayo musharax Cabdul Cabdi ku qabtay magaalada Ottawa ee dalka Kanada.