4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2019
Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal tacsi ah u diray madaxweynaha dalka Jabuuti

 

Talaado, October, 08, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray madaxweynaha dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa uga tacsiyeeyay  geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle oo ahaa madaxwyenaha walaalkii

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.

Sacad Cumar Geelle oo ahaa maamulaha dekeda Jabuuti ayaa ku geeriyooday dalka Faransiiska oo howlo caafimaad loo geeyay, waxaana geerida masuulkan ka tacsiyadeeyay masuuliyiin kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]