4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2019
Xiisad ka taaggan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

 

Talaado, October, 08, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka HIiraan ayaa sheegaya in saakay halkaa ay ka jirto xiisad ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii iyo Duqii degmada Buula-burte.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cabdicasiis Duuroow iyo guddoomiyaha sida KMG loogu magacaabay Liibaan Cabdi Burisoow ayaa la sheegay in ay isku hayaan maamulka degmada iyadoo labada mas’uulba saakay lagu arkay xafiiska xarunta maamulka degmada.

Cabdicasiis Duuroow ayaa sheegay in uusan ka warheyn wax xil ka qaadis ah oo lagu sameeyay, sidaa daraadeed uu sii wadanayo howlihii maamulka degmada, laakiin waxaa lagu waramayaa in uu arintaa ka biyo diiday guddoomiyaha sida KMG loo magacaabay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle oo xil ka qaadista ku sameysay mas’uuliyintii maamulka degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]