4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2019
Jubbaland oo ka digtay cawaaqib ka dhalan kara cadaadiska uga imanaya Dowladda Federaalka

 

Talaado, October, 08, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in kacdoon shacab uu ka dhalan karo sida uu hadalka u dhigay cadaadiska Dowladda Federaalka ay ku heyso Jubbaland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay dib xoriyadiisa ugu soo celiso Wasiirkii Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay haddii ay jiraan dad wax ka tabanaya mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland loo baahan yahay in ay ka dacwoodaan haya’ddaha Garsoorka maamulka.

Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in la qaban doono munaasabadda caleemo saarka marka ay soo dhameystirmaan wafuud lagu martiqaaday.

Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa markii labaad dib u dhacday, sababo la xiriira xayiraada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay saartay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]