4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2019
Gudoomiyaha gobolka Alberta ee dalka Kanada oo taageero u muujiyey musharax Cabdul Cabdi


Talaado, October, 08, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Alberta ee dalka Canada Jason Kenney oo booqasho ku jooga gobolka Ontario ayaa kulan uu ku taageerayo musharax Cabdul Cabdi ku qabtay magaalada Ottawa ee dalka Kanada.

Jason Kenny oo kulankaan la qaatay qaybo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa ayaa sheegay in Cabdul Cabdi uu shaqsi ku habboon in uu ka mid noqdo Xildhibaanada cusub ee ku soo biiridoona Baarlamaanka. Mudane Kenny ayaa qabtay kulamo gooni-gooni ah oo lacag loogu aruurinayo musharax Cabdul Cabdi.

Musharax Cabdul Cabdi oo ah Somali-Canadian ayaa u taagan in uu xildhibaan ka noqdo baarlamaanka Kanada isaga oo u sharaxan xisbiga muxaafidka (Conservative) ee galbeedka magaalada Ottawa.

Cabdul Cabdi oo xubin ka tirsan booliiska magaalada Ottawa ayaa fasax ka qaatay shaqadiisa si uga ololeeyo doorashadiisa. Goobta uu iska soo sharaxay Cabdul Cabdi ayaa ah deegaan ay ku badan yihiin Soomaalida iyo dadyoga qaxootinimada ku soo galay dalkaan Kanada.

Haddii uu guuleysto musharax Cabdul Cabdi, wuxuu noqondoonaa qofkii labaada ee Somali-Canada ah ee ku biira Baarlamaanka dalka Kanada. Axmed Xuseen oo hadda ah wasiiraka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Kanada ayaa Somali-Canadiankii ugu horeeyey ee ku biira baarlamaanka dalka Kanada.

Doorashadaan ayaa waxaa dhicdoontaa Basha Oktoobar 21keeda. Waxaan tartanka ugu weyn uu dhexeeyaa xisbiyada Kala ah Libaraaka iyo Muxaafidka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]