Hormuud Foundation oo deeq gaarsiisay gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya
Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Hey’adda Hormuud Foundation ayaa maanta waxay deeq Raashin gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa 300 Boqol oo qoys, kuwaasi oo ah Qoysas dhowaan ku barakacay abaaraha ka taagan Gobolka iyo duqeymaha Ciidamada kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.
Qoysaskan la siiyey gargaarka raashineed ee isugu jira haween, Caruur
iyo dad waayeel ah ayaa waxay ka soo kala barakaceen deegaanada
Geriley, Faafaxdhuun, Cawsquran, Daarasalaam iyo dhamase, waxayna
muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul qulayeen degmadsa Baardheere,
iyagoona ku biirey ilaa labo xero ee ku yaala duleedka Baardheere.
Cabdulaahi Nuur Xasan, Cadow oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere
ayaa ku amaaney Gargaarka Raashineed ee Hormuud Foundation ay soo
gaarsiisey Qoysaska ku barakacay abaaraha iyo Duqeymaha Ciimada Kenya,
waxuuna sheegay gargaarka noocani oo kale ah in wax weyn uu ka tari
doono Nolosha Qoysaska barakacayaasha oo xaaladoodu ay aad u liidatey.
Mas’uuliyiintii ka hadashey goobta lagu qeybinayey Raashinka
Gargaarka ayaa waxaa ka mid ahaa howl wadeeno ka socdey Hormuud
Foundation iyo xubno kale oo ka kala socdey Odoyaasha dhaqanka iyo
weliba Ururka haweenka Baardheere.
Shirkadda Hormuud ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay ee ka
soo jawaabtey Baaqii qeylo dhaanta ahaa ee la xariiray Abaaraha ee ka
kala imaanayey Mas’uliyiinta Gobolka Gedo iyo Maamulka Degmada
Baardheere.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]