4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2019
Miisaaniyadda 2020-ka oo hal sabab loo kordhiyay

Khamiis, October, 31, 2019 (HOL)-  Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda , taaso ah middii ugu badneyd.

Miisaaniyadda loogu talagalay sannadka 2020-ka oo ay si aqlabiyad leh ay golaha u ansixiyeen ayaa dhan $459.5 Milyan,iyadoo hal arrin ay dowladdu ku sheegtay kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyadda loo qorsheeyay 2020 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka guddoominayay ayaa u mahad celinayay wasaaradda maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey'adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda.

"Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa", ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

"Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono." ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyay xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Miisaaniyaddu dowladdu waxa ay kor u kacday 274% saddexdii sanno ee u dambeysay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]