4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2019
Garoonka kubada kolayga Laascaanood oo dib loo furay 30 sano kadib

 

Khamiis, October, 31, 2019 (HOL)-Garoonka Kubada kolayga Laascaanood oo mudo ka badan 30 Sano ahaa meel dayacan mararka qaarkoodna noqday meelo ay dad ku shaqaystaan ayaa wasiirka dhilinta iyo Ciyaaraha uu xadhiga ka jaray markii dib-udhis lagu sameeyey.

Dawlada hoose ee degmada Laascaanood ayaa ayaa bixisay dhaqaalaha garoonkan lagu dhisay oo la bilaabay bilawgii bishan sida ui saxaafada u sheegay xoghayaha dawlada Hoose ee degmada Laascaanood oo ka hadlay xafladii lagu furayey.
 
Wasiirka dhalinta iyo ciyaaraha Boos Mire oo xadhiga ka jaray ayaa bulshada reer Sool in ay illaaliyaan garoonkan kuna dadaalaan sidii loo noolayn lahaa ciyaaraha.
 
Gudoomiyaha Degmada Laascaanood iyo Gudoomiyaha Gobolka ayaa labadooduba ka hadlay faaiidada garoonkan uu u leeyahay dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada, waxana ay dhalinta kula dardaarmeen in ay ilaashadaan garoonka iyo qalabkiisaba.

 
 Dhawr jeer ayaa laysku deyey in garoonkan dib loo dhiso balse laguma guulaysan iyadoo dad shacab ah ay ka samaysteen meherado.
 
Garoonkan oo loogu magac daray Garaad Cabdiqani ayaa ku yaala meel aad u cidhiidh ah oo aan ku haboonayn in ay noqoto garoon, waxaase dadka qaar qabaan in uu xitaa noqon doono meel ay koox ku tababarato marka mid kale meel firaaqo u leh laga dhiso.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood