4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2019
Deeq Raashin ah oo la gaarsiiyay 500 oo Qoys oo ka mid ah dadkii ka barakacay Fatahaadda Beledweyne


Khamiis, October, 31, 2019 (HOL)-Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa ka soconaya dadaallada loogu gurmayo Kumannaanka Qoysaska ah ee ka barakacay Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Beledweyne kuwaa oo xiligan wajahaya daruuf adag oo dhinaca nolasha ah.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maamuliyada gobolka Hiiraan islamarkaana ah guddoomiyaha guddiga gurmadka dadka barakacay Xassan Ibraahim Cabdulle ayaa ka guddoomay Campaniga Hubaal deeq raashin ah oo loogu talagalay ilaa 500 Qoys oo ka mid ah dadka ku barakacay deegaanka CeelJaalle ee dulleedka Bari magaalada Beledweyne.

Sayid Cali Qaasim Maxamed oo ku hadlayay afka Campaniga Hubaal ee ku deeqay raashinkan ayaa sheegay in iyaga oo ka jawaabayay baaqii maamulka gobolka ee ahaa in gargaar lala gaaro dadka barakacay go'aasadeen maamulka sare ee Hubaal in ay qoysaskan ugu deeqaan raashin kala duwan oo isugu jira Bur, Bariis, Sokor iyo Timir.

Maamulka gobolka ayaa dhankooda ka mahad celiyay gargaarkan oo noqonaya kii ugu horeeyay mar kaliya loo qeybiyay qoysaskii ugu badnaa tan iyo markii ay Fatahaadu ku dhufatay magaalada Beledweyne.

Hoos  u dhac weyn ayaa 24 ee la soo dhaafay laga dareemay biyaha oo hadda u muuqda kuwa sii yaaranaya, balse waxaa muuqata in qoysaska qaar ku adkaandooto in ay in dhaqse dib ugu soo laabtaan guryahoodii oo ay daadadku la tageen, halka kuwa kalana ay ku dumeen una baahnaan doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]