4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2019
Cabdi Maxamuud Cumar'' Wax danbi ah ma aanan galin intii aan maamulayay dowlad deegaanka Soomaaliya

 

Khamiis, October, 31, 2019 (HOL) -Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaaliya Cabdi Maxamuud Cumar oo mar kale maxkamad la soo taagay ayaa sheegay in uusan danbiile aheyn sidaa daraadeed mudan in yahay in la sii daayo.

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka ayaa ku eedeysay in ay ka danbeeyay rabshado ay ku dhinteen in ka badan 58 qof o oka dhacay magaalada Jigjiga ee Ismaamulka dowlad deegaanka Soomaalida.

''Intii aan talada hayay waxaan u maamulayay dowlad deegaanka si wanaagsan, wax danbi ah ma galin danbiile ma'ahi'' ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumar. 

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dalbaday in xorriyaddiisa dib loo siiyo maaddaama uusan jirin dambi cad oo uu ka galay Ismaamulka Soomaalida.

Dhowr jeer oo hore ayaa ka soo hormuuqday Cabdi Maxamuud Cumar Maxkamada Federaalka Itoobiya ilaa iyo haddana ma jiro wax xukun ah oo ku dhacay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]