4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2019
Ilhan Omar '' Waa in wax kasta oo aan awoodno ugu gurmanaa dadka ay Fatahaaddu saameysay

 

Khamiis, October, 31, 2019 (HOL)- Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Congress -ka  ee looga arimiyo dalkaasi Mareykanka ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socto xaalada Fatahaada ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

newinsideGaar ahaan waxaa ay sheegtay in ay maqashay in Fatahaadda ay ku barakaceen dad ka badan 180,000 Kun oo qof, waxaana ay ku baaqday in la sameeyo wax kasta oo la kari karo si dadkaasi loo gargaaro.

''Madaama cimiladu is badaleyso daadadkana sii badanayaan, waa in aan sameynayaa wax kasta oo awoodiina ah oo aan dadka dhibaateysan wax ugu qaban karno, ayeey ku tirin qoraal kooban oo ay soo dhigtay boggeeda Twitter -ka.

Waxaa ay intaa ku dartay in dadka oo dhan ka rajeyneyso in ay sameeyaan wax kasta oo awooddooda ah oo wax lagaga qabanayo samata-bixinta dadka ay daadadku saameeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]