4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2019
Qaramada Midoobay oo ka qeyb qaadaneysa gurmadka fatahaadda Webiyada Soomaaliya

 

Khamiis, October, 31, 2019 (HOL)-Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya Danjire; James Swan, ayaa sheegay in ay hay'adaha Caalamiga diyaar u yihiin taageerada loogu gurmanayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiyada Jubba iyo Shabeelle.

James Swan; ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay in ay Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, kala shaqayso gurmadka loo fidinayo Dadka ku dhibaateysan fatahaadaha.

Danjire Swan ayaa sheegay in barnaamijka Cuntada Adduunka WFP uu diyaarinayo Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo u gogol xaaraya taageeridda dedaallada wax qabadka Bini'aaddannimo ee Magaalada Baladweyne iyo goobaha kale ee ay dhibaatadu ka jirto.

"Waxan aad ugu mahad naqayaa Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya in si ku meel gaar ah loo adeegsado helikobtarrada,si aan Gacan uga geysanno fulinta hawlgallada baadigoobka iyo samata bixinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha”ayuu yiri, Danjire, James Swan.

Mr; Swan ayaa sheegay in Xafiiska isku xirka arrimaha  Bini’aaddamnimada iyo hay’adaha samafalka ay la shaqeynayaan  mas’uuliyiinta in si deg-deg ah ay ku gaarsiiyaan gurmadka lagu  badbaadinayo dadka dhibaataysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]