4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2019
Muqdisho: Ganacsatada oo hal milyan oo doollar gaarsiinaysa gurmadka saameyntii ka dhalatay fatahaadda wabiyada


Khamiis, October, 31, 2019 (HOL)- Shir ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo ay gogasha dhigtay shirkadda Hormuud ayna ka soo qeyb galeyn ganacsato iyo culimaaudiinka, ujeeddadiisuna aheyd u gurmashada dadku uu saameeyey fatahaadaha Wabiyada iyo roobabkii da’ay ayaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Maxamuud Cabdi Cali (Gabeyre) oo shir guddoominayey ayaa marka hore u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay fatahaadaha ,wuxuuna caddeeyay in ganacsataduna ay diyaar u yahiin inay qeyb weyn ka qaataan gurmadka fatahaadaha si dadkeena loo badbadiyo.

Sidoo kale inta uu shirka socday Ganacsatada madasha fadhisay ayaa ku yaboohday  lacag gaareesaa $640,000 lana lagaarsiiyo ilaa hal malyan oo doollar wejiga hore.

Ugu dambeyntii,waxaa la isla gartay in la magacaabo guddi u xilsaaran arimaha gurmadka guddiga ayaana ka kooban 15 xubnood oo ka kala yimid ganacsatad iyo culimada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]