4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2019
Dowladda Soomaaliya oo lacag ugu deeqday dadka ay fatahaadu saameysay

 

Khamiis, October, 31, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Gargaar lacageed oo ay uga qeybqaadaneyso gurmadka loo fidinayo dadka ay saameynta ku yeesheen daadadka ka dhashay Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay dadka walaalahood ah ugu deeqday Lacag dhan  500,000 (shan  boqol oo kun oo dollar) taasi oo loogu talagalay in wax loogu qabto  dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Wasiir Maareeye ayaa tibaaxay in Madaxweynaha, Gudoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare iyo Ra’iisul Wasaaaha dalka ay mushaarkooda bisha October ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed ee ay  fataaduhu saameeyeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabisan wax u qabashada dadka ku barakacay fatahaada ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo Boqolkiiba Sagaashan dadkii ku noolaa ay dibadda uga baxeen daadad ku soo rogmaday guryihiin ay xaafaddihii ay ku noolaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]