4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2019
Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo gobolka Selel u jooga soo afjaridda shaqaaqo ka taagan deegaankaasi

 

Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)-Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey bilaabay kulamo lagu nabadeynayo shaqaaqo dhex martay laba beelood oo wada dega gobolka Selel.

Guddidan wasiirrada ah oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Saleban Yuusuf Cali Koore, ayaa kulan foolka fool ah oo ka dhacay geed hoostii isugu keenay Xidheyaasha labada dhinac ee ay dhibaabadu ku dhex martay, deegaanka Wada-jir ee gobolka Selel, waxaana goob-joog ka ahaa Badhasaabka Gobolkaasi Selel.

Shirkan ayaa labada dhinac loogu jeediyey hadallo isugu jiro mahad-naq, waano iyo wacad xidh nabaddeed. Odayaasha labada dhinac ayaa dhankooda balanqaaday inay u hogaansamayaan qorshaha nabadeynta.

“Waxaan anigu u kacay laba qodob dhinaca dhibgeystaha waxaan leeyahay waar wixii dhibgeyste lagu yaqaaney ayaa maanta madashaasi lagaga fadhiya ee halaaga helo, dhinaca dhibanahana waxaan leeyahay, walaalkayow culeys ayaa kugu dhacay adna wixii dhibane lagu yaqaaney ee tanaasul lahaa ee xurmolahaa, ee dulqaadasho-laha adna halagaa hello”ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Selel Mawliid Maxamed.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed oo isna madasha ka hadlay ayaa yidhi “Waxaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu ay noo soo direen in arrintaasi xalkeeda iyo dhibteedu aanay halkaasi dhaafin, oo aynu joojino, waxaanu uga mahad celineyna falkii dhacay in aanay dhib ku sixin, ee ay fadhiyeen oo ay sugayeen go’aanka xukuumaddu ay qaadaneyso iyo go’aanka cida dhibta geysatay ay u soo dhaweyneyso, oday waliba gurigiisi iyo reerkiisi iyo ubadkiisi ayuu ka yimid, oo uu duurka ugalay in arrintaasi xal lagu dhammeeyo fidnadii dhacday ayaa damiseen ILLAAHEY heydinka abaal mariyo, ka gudi ahaan waxaanu garaney in maanta leysa soo hor fadhiisto waxaananu anaga iyo ciidamada amniguba aanu gacanta ku heyna hawsha”

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Saleban Yuusuf Cali koore oo ah gudoomiyaha gudidan xalinaya shaqaaqada ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Teynu u fadhina maanta waxaa weeye, waxaad tihiin dhibane iyo dhibgeyste qoladda dhibta geysatay waxaa aanu ka rajeynaynaa oo aanu ka fileynaa sidii dhaqanku ahaa ee lagu yaqaaney in aad martaan wadadii dhaqanka aheyd ee lagu yaqaaney ee dhaqan, odayaasha dhibta loo geystay waxaanu aad iyo aad ugu amaaneynaa intii dhibtaa loo geystay in aanay wax dhiba ka daba geyn, culeyska ay arrintaasi xukuumaddu saareyso waad garaneysaan.

Shaqaaqadan ayaa ka dambaysay ka dib markii dhul beero ah la isku qabsaday, taas oo keentay in mid ka mid ah ku naf waayo, waana markii labaad ee weftiga u yimaado xalinta shaqaaqadan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.