Dowladda oo dalbatay Gargaar caalami ah oo lala gaaro dadka ay Fatahaadu saameysay
Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen.
Ra'iisal Wasaare Xassan Cali Khayre oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah, ayaa sheegay in dowladda ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaalladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah leesaga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo saameeyay deegaaano
ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada
Beledweyne ku fataheen, ayna sababeen dhimasho, barakac baahsan,
burburiyeen kaabayaal dhaqaale, ugana sii dareen xaaladii bini’aadninimo
ee horay u taagneyd, lana filayo in maalmahaan roobabku sii socodaan,
biyaha wabiguna ay sii sare marayaan, arrintaas oo sababeysa daadad
dheeraad ah.
Xasan Cali Khayre oo adkeeyay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo
qaadin ay xaaladu kasii dari karto, ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu
baaqay inay maal geliyaan xalka waara ee mustaqbalka si looga gaashaanto
dhibaatooyin nuucaan oo kale in ay dalka kusoo laabtaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]