3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2019
Dacwad xasaanad ka qaadis ah oo laga gudbiyay xildhibaan Cawil Daad oo su'aal weydiiyay madaxweyne Deni

 

Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)-Xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland Maxamad Xareed oo ah ayaa sheegay in Baarlamaanka ay u direen warqad ay ku codsanayaan in xasaanadda laga qaado xildhibaan Cawil Xasan Daad Sabtidii ina dhaaftay su'aal ku dhax weydiiyay Golaha Baarlamaanka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Xeer ilaaliyaha ayaa su'aasha xildhibaan Daad ku tilmaamay mid baalmarsan qawaaniinta iyo sharciga dowlad gobolleedka Punland, isaga oo yiri'' Waa hadallo qadaf ah oo uu ekeysiiyay su'aal oo uu su soo jeediyay golaha xukuumadda'' ayuu yiri Maxamed Xareed.

Su'aashii xildhbaan Daad uu weydiiyay madaxweyne Deni Sabtidii toddobaadka xili uu furmayay Kalfadhigii 45aad ee Baarlamaanka Puntland ayuu u dhigay siddan "Mudane Madaxweyne, waxaad xilka haysay sagaal bilood, wejiga dhabta  ah ee xukuumadda aad hoggaamisana waxaa la moodaa in uu ku jiro  maalmihii ugu dambeeyay ee muddo xileedkaaga," ayuu su'aashiisa ku  billaabay Xildhibaan Cawil oo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ka  dalbaday "in ay is casilaan".

Xareed ayaa sheegay in haddii ay baarlamaanka aqbalaan dalabkooda xasaanad ka qaadi hor geyn doonaan xildhibaan Maxkamad si loogu soo oogo danbiga uu galay.

"Haddii baarlamaanku xasaanadda ka qaadaanna waan eedeyneynaa, waxaanna horgeyneynaa maxkamadda, wuxuuna la kulmayaa ciqaabta uu ka mudan yahay qodobbada uu u gefay", ayuu hadalka kusii daray.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa Baarlamaanka isaga baxay isaga oo ka careysay su'aasha xildhibaanka kaddib jawaab kulul oo uu siiyay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 













Click here
10/30/2019 11:54 AM EST
Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)-Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey bilaabay kulamo lagu nabadeynayo shaqaaqo dhex martay laba beelood oo wada dega gobolka Selel.

10/30/2019 10:54 AM EST
Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen.

10/30/2019 10:40 AM EST
Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)- Waxaa soconaya gurmadka loo fidinayo dadka ka barakacay Fatahaadda ku dhufatay magaalada Beledweyne kuwaa oo wajahaya xiligan xaalad adag oo dhnaca nolasha ah.

10/30/2019 9:57 AM EST
Kulan Wacyigalin Bulsho ah oo looga hadlaayey caafimaadka maskaxda kaas oo soo qabanqaabisayeen dhaqaatiir Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magalaadda Birmingham UK oo magaaladda labadd ee dalka Ingiriiska

10/30/2019 5:32 AM EST
Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)- Wali waxaa magaalada Beledweyne ka soconaya baadigoobka loogu jiro meydadkii dadkii ku dhintay dadaadka ku soo rogmaday magaalada iyadoo meydad hor leh laga soo saarayo biyaha

10/30/2019 5:01 AM EST
Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen xalay saldhig ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Dhajanbulo oo ka tirsan degmada Dhoobley.

10/30/2019 4:46 AM EST
Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)- Madaxa Xukuumadda Galmudug dhinaca kalana ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ka hadlay dilkii Mareykanka uu u geystay hoggaamiyihii Ururka Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi.

10/30/2019 1:56 AM EST
Arbaco, October, 30,2019 (HOL)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa riday xukunno isugu jiray dil iyo Xabsi daa'in, kaddib dhgeysiga dacwad ka dhan ah guddoomiyihii ee degmada Maxaas iyo xubno kale oo muddo soo soctay

10/30/2019 1:11 AM EST
Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)-Ra’iisal Wasaarihii dalka Lubnaan Sacad Xariiri ayaa gelinkii dambe ee Maanta ku dhawaaqay inuu iska Casilay xilkii uu ka haayay dalkaas.

10/30/2019 12:32 AM EST
Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Boqolkiiba Sagaashan magaalada Beledweyne ay biyuhu ka sara mareen.