4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2019
Ku dhawaad 20 ruux oo ku dhimatay Fatahaadda Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne

 

Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)- Wali waxaa magaalada Beledweyne ka soconaya baadigoobka loogu jiro meydadkii dadkii ku dhintay dadaadka ku soo rogmaday magaalada iyadoo meydad hor leh laga soo saarayo biyaha

Dadka meydadkooda laga soo saarayo biyaha ayaan aheyn oo kaliya kuwii la socday Doontii gadoontay, balse waxaa ku jira dad siyaabo kala duwan uu daadku u qaaday kuwaa oo la sheegay intooda badan biyaha uga soo dhacay waddada ugu halista badan xaafadda Xaawo Taako gaar ahaan Aaga Buundo-Koowaad oo uu maro Toogga ugu weyn ee biyaha ku dara Wabiga Shabeelle.

Qof ka tirsan shaqaalaha gurmadka ayaa Hiiraan Online u sheegay in  dadka ku dhintay biyaha ku dhaw yihiin 20 yihiin ruux madaama ay jiraan dad siyaabo kala duwan daadku u qaaday oo xitaa ay ku jiraan carruur yaryar.

Maalintii shalay ayaa waxaa la aasay meydadka ilaa 5 ruux oo ka mid ahaa dadkii la socday Doontii Subaxnimadii Isniinta ku gadoontay biyaha Wabiga. 

Waa fatahaadii ugu cusleyd uguna saameynta badneyd ee taariikhda inta la xasuusto soo marta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sida ay Hiiraan Online u sheegeen dadkii muddada dheer u soo joogay Fatahaaddihii gobolka soo maray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]