4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2019
Al-shabaab oo weerarray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya

 

Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Dhajanbulo oo ka tirsan degmada Dhoobley.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen rasaas culus oo ay labada dhinac isku weydaarsadeen saldhig oo ku yaala dhinaca xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Warar ay Al-Shabaab ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka  ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay dagaal kula wareegeen Saldhigyada  ciidamada Kenya ee deegaankaasi Dhajanbuula ,islamarkaana mudo saacado  ah ay gacanta ku hayeen.

Dhinaca kale wararka ka imanaya degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Barri Kenya ayaa sheegaya in weerar xalay Al-shabaab ay ku qaadeen xarun Booliis ku dileen Labo dagaalyahan oo ka Ururkooda ka tirsanaa una xirnaa ciidamada dalka Kenya.

Saraakiisha Wajeer ayaa sheegay in Al Shabaab weerarka ay soo qaadeen uu ahaa mid xoog badan ayna ku doonayeen in ay ku furtaan maxaabiista xaruntaasi ku xirneyd si aan looga helin xogo iyaga ku saabsan hasa ahaatee ku dhinteen dabka saldhiga la qabadsiiyay.

Al-shabaab kama aysan hadalin weerarkan la sheegay in ku dileen xubno iyaga ka tirsanaa oo u xirnaa ciidamada Kenya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]