4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2019
Sheekh Maxamed Shaakir oo ka hadlay dilkii hoggaamiyihii Daacish

 

Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)- Madaxa Xukuumadda Galmudug dhinaca kalana ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ka hadlay dilkii Mareykanka uu u geystay hoggaamiyihii Ururka Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Dhuusa-Mareeb ayuu sheegay warka ku saabsan dalka Al-Baqdaadi uu faa'iido weyn u yahay sida uu hadalka u dhigay guud ahaan dadka muslimka ah'' Warka ku saabsan dhimashada Al-Baqdaadi waa mid faa'iido u ah guud ahaan dadka muslimiinta ah, wuxuu cadaw ku ahaa guud ahaanba Insaanka iyo nolashooda, cid kasta oo dishay iyo gacan kasta oo uu ku baxayba waxaan leenahay waa mid faa'iido u ah dadka muslimiinta ah'' ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Al-Baqdaadi ayuu ku sifeeyay dhaqamdiisa in uu ahaa mid aan u kala soocneyn dadka Islaam iyo Gaal toona, waana sababta ayuu yiri si isku mid ah looga hadlayo geeridiisa iyo ay faa'iido u tahay Insaanka oo idil.

Sheekh Shaakir ayaa noqonaya mas'uulkii ugu horeeyay ee ka hadlay dilka hoggaamiyihii Daacish Al-Baqdaadi oo Mareykanku sheegeen in ay bartilmaameesadeen, waxaana uu ahaa aas-aasihii Dowladda Islaamiga ah ee ISIS. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]