4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2019
Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas oo xabsi daa'in lagu xukumay

 

Arbaco, October, 30,2019 (HOL)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa riday xukunno isugu jiray dil iyo Xabsi daa'in, kaddib dhgeysiga dacwad ka dhan ah guddoomiyihii ee degmada Maxaas iyo xubno kale oo muddo soo soctay.

Cali Axmed Guure Qoyane iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas Cabdirxmaan Sheekh Cilmi Cawaale ayeey maxkamadu ku xukuntay xabsi daa’in.

Eedeysanayaasha la xukumay ayaa loo heystaa in ay ka danbeeyeen Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas Rashiid Cusmaan Cabdi oo 19/04/2019 ka dhacay gudaha degmada Maxaas.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]