4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2019
Ra'iisal wasaarihii Lubnaan oo xilka iska casilay

 

Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)-Ra’iisal Wasaarihii dalka Lubnaan Sacad Hariiri ayaa gelinkii dambe ee Maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka haayay dalkaas.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa is casilaadiisa ku wargaliyay Madaxweyne Michel Aoun, iyadoo dibadbaxyo  xooggan ay ka socdaan dalkaas, isla markaana lagu dalbanayo in uu xilka  ka dego.

Waxaa uu sidoo kale ka sheegay TV dalkiisa in uu isaga iskii u go'aansaday in uu xilka ka dego isaga oo eegaya rabitaanka dadka reer Lubnaan.

Dalka Lubnaan ayaa muddo ku dhow labada todobaad waxaa ka socda dibadbaxyo ay dhigayaan shacabka ku dhaqan dalkaas, iyadoona uga soo horjeeda shaqo la’aanta iyo  musuq maasuqa ka jira dalkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]