4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2019
Madaxweyne Waare '' Boqolkiiba Sagaashan magaalada Beledweyne biyaha ayaa ka kormaray

 

Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Boqolkiiba Sagaashan magaalada Beledweyne ay biyuhu ka sara mareen.

Madaxweynaha oo maalintii shalay ka qeybgalay Aaska Shan Ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay biyaha Wabiga kaddib markii la rogmatay Doon ay la socdeen bartamaha magaalada.

Wuxuu sheegay in marka la eego xadiga Fatahaada ku dhufatay magaalada la oran karo waa tii lagu qiyaasi jiray 50kii sano mar in ay dhacaa, hasse ahaatee labo sano oo isku xigtay ay magaalada ku dhufteen.

''Anniga waan garran karaa, Fatahaaddan oo kale waxaa lagu qiyaasi jiray in 50kii sano mar ay dhacaan, laakiin in ay labo sano iska soo daba-noqoto mid aha wax caadi ah, arintan waxey u baahan tahay talo, shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho waxaan laga wada hadlay in arintan qorshe laga yeesho gaar ahaan maamulka Wabiga marka uu Soomaaliya soo galo ilaa Itoobiya'' ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Muuqaal dusha sare  laga duubay ayaa muujinaya in magaalada oo idil biyuhu siman yihiin oo meel bannaan aysan jirin, taasoo muujineysa in Fatahaaddani tahay tii ugu xoogga badneyd ee soo marta  Beledweyne.

Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo beesha caalamka marka laga soo tago kaalmada iyo gargaarka Bani'aadanimo loo baahan yahay in qorshe iyo go'aan mideysan laga qaato in mar kale sidan oo kale aysan dhicin, maraana loo helo Fatahaaddaha is daba jooga ah ee ku dhufta magaalada. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]