4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2019
Magacyada Afar ruux oo ilaa hadda meydkooda laga soo saaray biyaha Wabiga Shabeelle

 

Talaado, October, 29, 2019 (HOL)-Kooxaha gurmadka ayaa wali ku howlan sidii ay u heli lahaa meydadka dadkii ay maalintii shalay Doonta kula rogmatay Biyaha Wabiga Shabeelle magaalada Beledweye, waxana ilaa iyo hadda la helay meydadka ilaa Afar ruux

Sarkaal ka tirsan hay'adda Bisha Cas ayaa Hiiraan Online u sheegay in dadkan ay meydkooda ka soo saareen biyaha dhamaantood ka tirsanaayeen dadkii la soday Doonta, walina baadi-goob ku hayaan kuwa kale ee wali la la'yahay oo loo badinayo in ay dhinteen.

Magacyada dadka meydadkooda biyaha laga soo saaray ayaa lagu kala sheegay Sharma'arke Khaliif Xassan oo ahaa agaasimihii xafiiska Duqa degmada Beledweyne, Deeqoow Cabdi Cariif oo ka tirsanaa waaxda canshuuraha Dowladda Hoose, Shariif Carabey Ganacsade Muscab Mooto ahaa wadihii Doonta gadoontay iyo  Guulleed Ibraahim

Wali waxaa maqan ku dhawaad ilaa 6 ruux oo isugu jira dadkii Doonta saarnaa iyo dad kale oo galinkii danbe ee shalay biyuhu la tageen, waxaana ka mid ah dadkaas La taliyihii dhinaca haweenka ee madaxtooyada Hirshabeelle Dahabo Axmed Xusseen oo aheyd gabar qurbaha ka timid sanadihii ugu danbeeyayba ka shaqeyneysay gudaha dalka Soomaaliya.

Biyaha ayaa maanta u muuqda kuwo ka xowlihi iyo socod yar maalintii shalay, waxaana muuqaneysa rajo ay dadku ka qabaan hoos u dhac uu wabigu sameeyo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]