4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Sweden

Talaado, October, 29, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xariirka ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyo sii wadidda taageerada dowladda Sweden ay qaybta uga qaadato dib u kabashada Soomaaliya.

Sweden waxa ay kamid tahay dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya oo waqtiga dheer qaybta ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa October 16, 2019 warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Staffan Tillander oo bedelay safiirkii hore ee Sweden, Andreas von Uexküll.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]