4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2019
Duufaan iyo Roobab is wata oo laga digayo in ay ku dhuftaan deegaanno ka tirsan Puntland

 

Talaado, October, 29, 2019 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad gobolleedka Puntland ayaa ka digtay Duufaan iyo Roobab is wata oo laga yaabo in maalmaha soo socda ku dhuftaan qeybo ka mid ah deegaannada maamulka uu ka arimiyo.

Gaar ahaan fariinta ayaa ku socta dadka deggan  Xeebaha iyo Togagga biyuhu maran, iyadoo fariinta ay Wasaaradda soo saartay loo sii marinayo Telleefoonnada Gacanta.'

''Wasaaradda Arrimaha gudaha waxaa ay ku wargilineysaa dadka degan Xeebaha Puntland,gaar ahaan gobolada Bari sida,Sanaag,Heylaan,  Gardafuu iyo Karkaar in dabeylo xoogan oo roob wata ay inagu soo fool  leeyihiin sida ay sheegeen qolayaha saadaasha hawada, hadaba taxaddar  badan hala qaato ayaa  lagu sheegay fariitan loo diray dadka ku dhaqan deegaannada laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan roobabka iyo duufaannada is wata.

Digniinta ayeey sheegtay Wasaaraadda Arrimaha Gudaha in ay helleen koooxaha saadaasha hawada kuwaa oo sheegay in ay dhici karaan duufaanno ka dhasha roobab xoog leh oo la filayo in ay ka da'aan gobollada Bariga.

Puntland dhowr jeer oo  hore waxaa sidan oo kale ku dhuftay duufanno iyo daadad ka dhashay roobab lixaad leh oo da'ay kuwaa oo sababay geerida iyo dad u badnaa reer miyi oo iyaga iyo xoolahoodiiba ay qaadeen daadadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]