4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2019
Haraadiga meydka Taliyihii hore ee ciidamada Booliiska AMISOM oo la helay

 

Talaado, October, 29, 2019 (HOL)-Dowladda Uganda ayaa lagu wareejinayaan haraadiga Meydka taliyihii hore ee ciidamada Booliiska AMISOM Christine Alalo oo ka mid aheyd dadkii ku dhintay shilkii diyaarada Ethiopian Airlines.

Afhayeenka Booliiska dalka Uganda Fred Enanga ayaa warbaahinta u sheegay in meydka lagu aqoosaday baaritaanka DNA ga oo lagu sameeyay hilbaha Alalo ,waxaana uu intaa raaciyay in Itoobiya ay u diyaraan wafdi soo qaada hilbaha iyo haraadiga meydka taliyihii hore ee ciidanka Booliiska AMISOM.

Christine Alalo  ayaa   sanadkii 2014kii ku guuleysatay abaalgudka dadka difaaca xuquuqda aadanaha ee Midowga Yurub uu bixiyo, waxaana ay sidoo kale ka mid aheyd saraakiisha ciidanka Uganda ee ka howlgala Soomaaliya kuwooda ugu firficoon.

Shilka Diyaaradeed ee ka dhacay magaalada Adis Ababa 10-kii bishii Maarso ee sanadkan ayaa sababay in ay geeriyoodaan dhamaan dadkii saarnaa diyaaradaasi, waxaana dadka shilkaasi ku dhintay ku jiray muwaadiniin Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]