4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2019
Meydad laga helay Biyaha Wabiga magaalada Beledweyne

 

Talaado, October, 29, 2019 (HOL)- Iyadoo wali uu soconayo gurmadka loogu jiro bal in la helo raq iyo ruux halkii ay ku danbeeyeen ilaa 11 ruux oo maalintii shalay siyaabo kala duwan Daadku u qaaday, ayaa warar ay heshay Hiiraan Online waxaa ay sheegayaan in helay meydadka ilaa Labo ruux.

Dadka meydkooda la arkay ayaa waxaa ka mid ahaa Shariif Carabey oo ahaa Nin dhalinyaro ah oo Ganacsade ah siweynna looga garanayay guud ahaan gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne, wuxuuna ka mid ahaa dadkii shalay la socday Doontii ku rogmatay Biyaha Wabiga.

Wararka ayaa intaa ku darraaya sidoo kale meydkiisa la helay qof kale oo ka mid ahaa dadkii saarnaa Doonta sida ay inoo xaqiijiyeen shaqaalaha ku howlahan gurmadka loogu jiro baadi-goobka dadka ay wax-yaaladu ka soo gaartay Fatahaadda.

 

Waxaa wali maqan oo war iyo wacaal loo heyn halka ay ku danbeeyeen ku dhawaad ilaa 10 ruux kale oo intooda badan ka tirsanaa shaqaalaha maamulka gobolka Hiiraan gaar ahaan dowladda hoose iyo xafiiska Duqa degmada Beledweyne.

Biyaha Wabiga ayaa saakay u muuqda kuwo ka yara deggan sidii hore madaama xalay aysan wax roobab ah ka da'in gobolka, waxaana ay dadku rajo ka qabaan in biyuhu intan ka sii yaraan doonaan, waa haddii aysan roobab xoog leh ka da'in gobolka iyo dhulka sare ee Itoobiya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]