4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay Wasiirrada iyo Xildhibaannada in loo gurmado dadka ay Fahataadda ku dhufatay

 

Talaado, October, 29, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadlay Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka ayaa ugu baaqay Wasiirradda iyo Xildhibaannada Federaalka in ay ka qeybqaataan Gurmadka dadka dhibaateysan.

Gaar ahaan madaxweynaha ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay isku tashi ka hor inta aan beesha caalamka loo gudbin, isaga oo faray Wasiirradda, Xildhibaannada, Ganacsatada iyo Culima’da in ay dhaqaale ku bixiyaan sidii loo gargaari lahaa dad ka barakacay Daadadka ku soo rogmaday guriyihii ay ku noolaayeen.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in uu beesha caalamka kala hadli doono sidii gurmad deg deg ah loola gaari dadka barakacay iyada oo diirada la saarayo hadba sida ay baahidu u kala horreyso.

Dhinaca kale, saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Beledweyne soo gaaraan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo qiimeyn ku sameyn doona xaalada magaalada iyo heerka Fatahaaddu gaarsiisan tahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]