3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2019
Wararkii ugu danbeeyay Fatahaadda iyo tirada dadka lagu la’yahay Biyaha Wabiga oo sii korartay

 

Talaado, October, 29, 2019 (HOL)- Ilaa 11 ruux ayaa lagu waramayaa in ay gaarayaa dadka loo maleynayo in ay ku dhinteen Fahtaadda Biyaha Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne kaddib markii intooda badan maalintii shalay ay la rogmatay Doon ay la socdeen.

Hiiraan Online oo si dhaw ula soctay warka arintan ku saabsan ayeey u suurtagashay in ay hesho magacyada qaar ka mid ah dadka lagu la yahay biyaha Wabiga, waxaana ka mid ah La taliyihii dhinaca haweenka madaxtooyada Hirshabeelle Dahabo Axmed Xusseen, Shirma'arke  Khaliif Hassan Agaasimaha Xafiiska Duqa Baladweyne, Deeqow Abdi Cariif Agaasimaha Waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne , Gulled ibraahin IT dowlada Hoose Baladweyne, Abdi Keynan (Abdi Kuus) Darawalka duqa Baladweyne, Shariif Hassan Ganey (Shariif Carabey) Ganacsatade, Macalin Nuur Ganacsatade, Ahmed Ali Osmaan (Ahmed Ganey) Ganacsatade, ) Muscab Xusseen Muuto darawalka doonida rogmatay, iyo Wiil dhalinyaro ah oo wax ka barran jirin Dugsiga Sheekh Maxamed Macalin.

Wali waxaa soconaya gurmadka iyo baadi-goobka loogu jiro dadka ku maqan biyaha Wabiga, waxaana gurmadkan shalay qeyb ka ahaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopter –ka , hasse ahaatee lama sheegin cid laga soo badbaadiyay biyaha ama xitaa meydkeeda la helay.

Waa markii ugu horeysay oo tiro dad intaa la eg ay wax –yeelo ka soo gaarto Fatahaadda Wabiga, iyadoo sanadkii hore sidan oo kale ay ku dhinteen ilaa Afar ruux oo ay la qalibantay gaari nooca Cagafta ah oo ay saarnaayeen xili ay marayeen Xaafadda Xaawo Taako gaar ahaan Buundo-Koowaad oo ah halka ugu darran oo ay dadku dhibaatada kala kulmaan xiliyada Fatahaadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/29/2019 9:07 AM EST
Talaado, October, 29, 2019 (HOL)-Kooxaha gurmadka ayaa wali ku howlan sidii ay u heli lahaa meydadka dadkii ay maalintii shalay Doonta kula rogmatay Biyaha Wabiga Shabeelle magaalada Beledweye, waxana ilaa iyo hadda la helay meydadka ilaa Afar ruux

10/29/2019 7:49 AM EST
Talaado, October, 29, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander.

10/29/2019 7:42 AM EST
Talaado, October, 29, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan maalinta Jamhuuriyadda dalka Turkiga waxa uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan.

10/29/2019 7:07 AM EST
Talaado, October, 29, 2019 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad gobolleedka Puntland ayaa ka digtay Duufaan iyo Roobab is wata oo laga yaabo in maalmaha soo socda ku dhuftaan qeybo ka mid ah deegaannada maamulka uu ka arimiyo.

10/29/2019 6:21 AM EST
Talaado, October, 29, 2019 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Washington, D.C ee xarunta dalka Marekanka ayaa la kulmay madaxweyne ku-xigeenka bangiga Adduunka,Havez Ghanem.

10/29/2019 5:48 AM EST
Talaado, October, 29, 2019 (HOL)-Dowladda Uganda ayaa lagu wareejinayaan haraadiga Meydka taliyihii hore ee ciidamada Booliiska AMISOM Christine Alalo oo ka mid aheyd dadkii ku dhintay shilkii diyaarada Ethiopian Airlines

10/29/2019 3:07 AM EST
Talaado, October, 29, 2019 (HOL)- Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa uga digay dowladda Soomaaliya Wadashqeyn la'aanta guddiga Xeeldheerayaasha ee QM u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka.

10/29/2019 2:45 AM EST
Talaado, October, 29, 2019 (HOL)- Iyadoo wali uu soconayo gurmadka loogu jiro bal in la helo raq iyo ruux halkii ay ku danbeeyeen ilaa 11 ruux oo maalintii shalay siyaabo kala duwan Daadku u qaaday, ayaa warar ay heshay Hiiraan Online waxaa ay sheegayaan in helay meydadka ilaa Labo ruux.

10/29/2019 12:48 AM EST
Talaado, October, 29, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadlay Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka ayaa ugu baaqay Wasiirradda iyo Xildhibaannada Federaalka in ay ka qeybqaataan Gurmadka dadka dhibaateysan.