4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2019
Carwo Buugaag lagu soo bandhigayo oo la shaaciyey in lagu qabanayo Laascaanood

Isniin, October, 28, 2019 (HOL)-Ha'adda  waddaniga ah ee SVO oo xarunteedu tahay magaalada Laascaanood degaano badan oo barriga afrika ahna xarumo ku leh ayaa sheegtay in ay Carwo buggaagta ah qaban doonaan dhamaadka sanadkan.

Madaxa hay'ada SVO C/kariin Siciid Aw Cabdi ayaa ka sheegay Xarunta Gobolka Sool in 10ka bisha sanadkan u danbaysa ay qaban doonaan carwada bugaagta si ay dhiirigelin ugu sameeyaan dadka wax qora.

"Anaga oo kaashanayna maanulka Gobolka iyo Degmada ayaan go'ansanay in aan qabano Carwadan, waxaana ugu tala galay dad badan oo gobolka iyo degaanada ku dhow joiga oo inbadan aan arkay iyagoo bugaag waxtar ah soo bandhigaya in aan fursad u samayno" sidaana Waxaa HOL u sheegay saaka maruu xafiiskiisa ugu waramayey.

Aw Cabdi waxa uu intaas ku daray in ay marti qaadi doonaan qoraayo waaweyn oo qaarkood ajinebi yihiin si ay faa'iido uga korodhsadaan dhalinyarada haatan bugaagata yaryar  qora isagoo xusay rag badan oo bugaag mucjiso ah qoray sida AFDHAAB oo uu  qoray Cismaan Cabdinuur Xaadhi.

Hay'adan oo la aasaasay 1991dii ayaa haatan ah ta ugu weyn ee degaanka ka jirta, waxaanay ku faaftay gobolada dalka iyadoo uga sii gudubtey Itoobiya iyo Kenya, waxaanay haatan hawlo badan ka wadaa degaano badan.

Talaabadan oo ah mid ku dayasho mudan ayaa ah mid aad loogu hadal hayo baraha bulshada isla markaana dhaqaajisay dhalinyaro badan oo haadan doonaya in ay daabacaan wixii ay la iman lahaayeen bandhiga Laascaanood.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool