4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2019
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlay weerar saaka lagu qaaday saldhiga magaalada Boorama

 

Isniin, October, 28, 2019 (HOL)-Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Faarax Maxamed  Mire ayaa sheegay in koox qaswadayaal ahi weerar ku soo qaadeen saaka waaberigii saldhiga magaaladda Boorama,kuwaas oo markii dambe u baxsaday xuduudda Itoobiya. 

Taliye ku xigeenku waxa uu xusay inay qaar ka qabteen, halka kuwii kale ilaa xadka Itoobiya baacsadeen, waxaanu sheegay in hadda magaaladda iyo gobolku amnigiisu sugan yahay.

“Saakay waaberigii koox yar oo qaswadayaal ah ayaa rasaas ku soo riday saldhiga dhexe ee Boorama, ciidanada booliska ayaa ka hor tagay oo eryaday oo ilaa xuduudda Itoobiya galeen aan ka soo hadhin, imikana waa nabad gobolku”ayuu yidhi taliye Mirre.

Taliye ku xigeenku waxa uu sheegay inay qaar ka mid ah dableydaasi laga soo qabtay, kuwii kale ku daba jiraan, waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin wax khasaare oo halkaasi ka dhacay.

Dhinaca kale, Suldaan Weber oo hore isagu u aasay jabhad ka soo horjeedda Somaliland, ayaa hadda sheegtay weerarkaasi, waxaanu xusay inuu sii waddi doonno.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.