3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2019
Finland oo Soomaaliya ugu deeqday lacag kaalmo ah oo gaareysa 8.9 milyan oo dollar

 

Isniin, October, 28, 2019 (HOL)-Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Finland ayaa ku dhawaaqday $ 8.9 milyan oo dheeri ah oo loogu deeqay Soomaaliya,iyadoo loo sii marsiinayo Bangiga Aduunka oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya.

"Waxaan ku qanacsanahay horumarka ballaaran ee lagu sameeyay hay'adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya iyo dib u habeynta la sameeyay tan iyo 2012, laakiin caqabado badan ayaa jira, gaar ahaan xaqiijinta gaarsiinta adeegyada meelaha ugu liita" ayuu yiri Danjire Eric Landberg, oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadad Finland.

Sidoo kal, Danjire Eric Landberg, ayaa sheegay in Dowladda Finland ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka caawiso sidii ay uga gudbi lahayd caqabadaha jira,islamarkaana ula jaanqaadi lahayd horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Hague Riedel, oo ah Agaasimaha Xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa yiri "Finland waxay weli tahay la-hawlgale muhiim u ah Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya.

“ Taageerada cusub ee Xukuumadda Finland waxay noo suura galineysaa inaan sare u qaadno taageerada awoodda Dowladda si loo hagaajiyo adeegyada muhiimka u ah Soomaaliya, Finlandna door muhiim ah ayey ku leedahay qaabeynta jihada Sanduuqa,”ayuu hadalkiisa ku sii daray Hague Riedel.

Ugu dambeyn, taageerada maaliyadeed ee Dowladda Finland ay siiso Sanduuqa Bangida aduunka ayaa kordhin doonta maalgelinta lagu sameynayo Hay’adaha Dowladda iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Khuburo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ujeedada guud ee laga leeyahay taageerada dhaqaale ee Finland ay tahay in la xoojiyo awoodda gobolka ee lagu dhisayo hay’adaha Dowladda si loogu adeego Shacabka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 

 

 

 













Click here
10/28/2019 11:00 AM EST
Isniin, October, 28, 2019 (HOL)-Ha'adda waddaniga ah ee SVO oo xarunteedu tahay magaalada Laascaanood degaano badan oo barriga afrika ahna xarumo ku leh ayaa sheegtay in ay Carwo buggaagta ah qaban doonaan dhamaadka sanadkan.

10/28/2019 9:02 AM EST
Isniin, October, 28, 2019 (HOL)-Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Faarax Maxamed Mire ayaa sheegay in koox qaswadayaal ahi weerar ku soo qaadeen saaka waaberigii saldhiga magaaladda Boorama,kuwaas oo markii dambe u baxsaday xuduudda Itoobiya.

10/28/2019 7:16 AM EST
Isniin, October, 28, 2019 (HOL)-Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopter ayaa ka qeybqaadanaya gurmadka lagu baadi-goobayo dadka ay lagu la'yahay biyaha Wabiga Shabeelle magaalada Beledweyne kaddib markii ay maanta halkaa kula qalibantay Doon ay saarnaayeen.

10/28/2019 2:35 AM EST
Isniin, October, 28, 2019 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Doon ay la socdeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan iyo dad shacab ah oo ku gadoontay Biyaha ka dhashay fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabeelle magaalada Beledweyne.

10/28/2019 1:45 AM EST
Isniin, October, 28, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya Doono goor dhaw kula gadoontay Fatahaada ka dhalatay biyaha Wabiga Shabeelle mas'uuliyiin ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo.

10/28/2019 1:08 AM EST
Isniin, October, 28, 2019 (HOL)- Qarax miino oo lagu bartilmaameesanayay haweenka dowladda hoose ee ka shaqeeya nadaafadda ayaa saakay ka dhacay Wadadda Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

10/28/2019 12:50 AM EST
Isniin, October, 28, 2019 (HOL)-Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya Mr James Swan ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo wada shaqeyntii Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo Dowlad gobolleedyada.