4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2019
Doon la gadoontay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan

 

Isniin, October, 28, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya Doono goor dhaw kula gadoontay Fatahaada ka dhalatay biyaha Wabiga Shabeelle mas'uuliyiin ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo.

Mas'uuliyiinta Doonta la socta yayaa waxaa ka mid ahaa Duqa degmada Beledweyne Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax iyo ilaa 15 ruux kale.

Dhamaan dadkii la socday Doonta ayaa la sheegay lagu la'yahay biyaha Wabiga Shabeelle.

Mas'uuliyiinta Doonta la soctay ayaa ku sii jeedeen dhinaca deegaanka CeelJeele ee loo barakacay, hasse ahaatee intii aysan gaarin la gadoontay Doontii ay la socdeen.

Wixii faah faahin ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnnaa.. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]